Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay dhisidda xarunta fududeynta fiisaha oo laga hirgelinayo Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan kulan la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Hindiya ee Nairobi si ay u xoojiyaan wadaxaajoodyada ku saabsan dhisidda xarunta fududeynta fiisaha oo laga hirgelinayo Muqdisho. Kulankan waxa uu daba socday shirar hore oo lagu dhameystirayay heshiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Wadahadallada, oo uu sidoo kale ka qayb galay Mudane Saciid Jaamac Mire, Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu xoojiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xarunta, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo tirada sii kordheysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed oo bacankood ugu safraya Hindiya, arrimo caafimaad awgood.
Xaruntan la soo jeediyay ayaa la filayaa inay fududeyso habka codsashada fiisaha, iyadoo meesha ka saaraysa baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u safraan waddamada deriska ah si ay u helaan adeegyada fiisaha, isla markaana yareynaysa kharashaadka ku baxa safarka. Xaruntan cusub waxay si weyn u dardar gelin doontaa habka, iyadoo ka dhigaysa mid si fudud loo heli karo oo jaban, taasoo xoojinaysa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhexdooda.
Horseed Media