Dowladda Soomaaliya oo macalimiinta dugsi quraanka uga digtay inay u hogaansamaan amaradda khawaarijta

Published: September 13, 2024

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda la hayo oo qorsheynaya inay u hoggaansamaan fikirka guracan ee Khawaarijta.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay xog ku heleyso in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Qur’aan iyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan amarada Alshabaab isla markaasna ay ku howlanyihiin aadista goobaha Shabaabku ku dhuumaaleysato.

“Qof kasta oo macallim dugsi Qur’ aan, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamidda amarradooda in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan isla markaasna aan loo haynin wax cudur daar ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Horseed Media