Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay arimaha xasillinta & gargaarka goobaha laga saaray Al-shabaab

Published: November 9, 2022
Shares4

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Mocallim Fiqi oo wehliyo Wasiiru dowlaha Ilyaas Cali Xassan ayaa kulan gaar ah la yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ee qaabilsan iskuduwista arrimaha gargaarka iyo bani’aadnimada Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarka, howlaha bani’aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Al-shabaab iyo arrimo kale.

Wasiir Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga go’an tahay isku duwista gargaarka iyo howlaha bani’aadnimo iyadoo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa Wasaarada ku ammaanay wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha UN-ka isaga oo intaas raaciyey in ay ka go’an tahay ka Qaramada Midoobey ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda Soomaaliya.

Horseed Media