Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga kala wareegtay Shixnad mucaawino ah

Published: April 17, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Safiir ku xigeenka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya kala wareegay Shixnad mucaawino ah.

Shixnadaan ayaa isukugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in la gaarsiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwooda danta yar.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dowladda sacuudiga uga mahadceliyey deeqdan mucaawinada ah.

Deeqdan ayey Dowladda Soomaaliya la wareegtay xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.

Horseed Media