Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xiliga la bilaabayo qabashada baasaboorada Xujeyda

Published: October 11, 2024

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga la qabanayo waraaqaha aqoonsiga ee baasaboorada dadka sanadka doonaya inay soo xajiyaan 1446/2025.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Ibraahim Aadan Ibraahim oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta usoo bandhigay go’aamada wasaaradda.

Sidoo kale Agaasime Ibrahim ayaa sheegay in qabashada baasaboorada Xujeyda ay socon doonto ilaa 10-ka Janaayo 2025, wuxuuna ku booriyay Xujeyda in ay si degdeg ah u dhiibaan baasabooradooda, isagoo tilmaamay in ay u dhiibaan shirkadaha ku xusan liiska ay Wasaaradda Awqaafta soo saartay.

Horseed Media