Dowladda Soomaaliya Oo Shan Doomood U Diyaarisay Dadka ku Xaniman Fatahaada Roobabka

Published: November 8, 2023

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka JFS ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-degga ah (NEOC) ee hay’adda maareynta musiibooyinka.

Ra’iisul waaare Saalax ayaa kormeeray sida ay hawsha gurmadka u socto, isaga oo booqday qaybaha kala duwan ee xarunta NEOC , waxaana xaruntaan soo dhaweeyn ugu sameeyey guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxqmuud Macalim Cabbdulle.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa soo kormeeray qaybaha kal duwan ee ka koobantay xarunta Qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ee NEOC oo ay ka shaqeeynayaan howlwadeenada kal duwan ee hay’adda SoDMA.

Ra’iisul wsaaraha ayaa warbixinnada ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.

Hay’adda SoDMA ayaa diyaarisay Shan Doomood oo qayb ka noqon doona gurmadka Dadka ku xaniman Fatahaada, duuman kan ayaa la gaarsiin doonaa deegaanada ugu nugul ay Fatahaada saameeysay.

Saalax ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qabyo kamid ah gobolada kale ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in baahi weyn maanta loo qabo ganacsatada diyaradaha, loona baahanyahay in gurmadkaan ka qayb qataan.

Horseed Media