Dowladda Soomaaliya oo sheegay in 49 katirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

Published: November 23, 2022
Shares8

Warsaxafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka iyo duqeaha ay fuliyeen ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Al-Shabaab” ayaa lagu Warsaxafadeedka ka soo baxay Dowladda.

Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka”

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dagaalka Al-shabaab looga xoraynayo dalka.

Horseed Media