Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Aadan Yabaal

Published: December 6, 2022
Shares12

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay  sirasmi ah Al-Shabab kala wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Janaral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay xaqiijiyeen ammaanka degmada Aadan-yabaal, isla markaana degmada ay ka wadaan howlgallo iyo inay isku ballaariyaan.

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada xoogga dalka la wareegitaanka degmada Aadan-yabaal oo muddo tobonaan sano ah ay gacanta kuhayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalka ATMIS ayaa sheegtay in Ciidamadooda ay sii wadi doonaan inay ciidamada dowladda kaal shaqeeyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna Ciidamada dowladda ku taageereen duqeymo dhinaca cirka ah.

Degmadan istiraatiijiga ah waxaa ay muddo badan goob muhiim u ah aheyd Ururka Al-Shabaab.

Horseed Media