Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Al-shabaab kala wareegtay deegaanno horleh

Published: December 3, 2022
Shares10

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay maanta Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaanada ay ciidamada xoogga ay la wareegeen ayaa kala ah magaalooyinka Guulane, Xarka dheere iyo Daaru salaam oo dhammaan ka tirsan gobolkaas.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhow La hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hadda ciidanku ku sii siqayo degmadii ugu dambeysa Shabeellada dhexe oo gacanta Al-shabaab ku hartay taas oo ah Aadan Yabaal.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgaallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Shabeellada dhexe oo kamid ah meelaha ay xoogan yihiin.

Horseed Media