Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 14 xubnood oo katirsan Al-shabaab

Published: December 10, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay howlgal qorsheeysan ku dileen 14 xubnood oo Al-shabaab ah.

Howlagalka ayaa ka dhacay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Xubnaha la diley waxaa kamid ahaa Horjoogayaal katirsan Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Ururka Al-shabaab kala wareegay magaalooyinka muhiimka ah ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Horseed Media