
Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta sheegtay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ay howlgal ku dishay xubno katirsan kooxda Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay howlgalku inuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Warta, taasoo 12km u jirta degmada Janaale.
Hawlgalkan, ayuu sheegay in lagu diley in ka badan 136 xubnood, oo ka tirsan Alshabaab.
Sidoo kale,Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in 98 xubnood oo katirsan Alshabaab, isla goobtii hawlgalka uu ka dhacay lagu dhaawacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa waayihii u danbeeyey waxey ciidamadoodu dagaalo culus kula jireen Al Shabaab.
Horseed Media