Dowladda Soomaaliya oo soo gabagabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Federaalka

Published: June 28, 2024

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuuro Mustaf Mukhtaar ayaa maanta oo Jimco ah soo gabagabeysay Imtixaanka fasalada dugsiyada sare ee Dalka.

Xaflad loo sameeyay xiritaankii intixaanka dugsiyada sare oo ka kala dhacay 69 xarumood oo dalka ah,waxaa maanta xafladdii xiritaanka goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday madaxda wasaaradda waxbarashada,kan Gobolka Banaadir iyo Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo kamid ahaa xubnihii ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan ardayda dooneysa in ay ku soo biiraan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

In ka badan 37 kun oo arday oo ka kala socda gobolada dalka ayaa sanadkaan ka qeybgashay intixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Horseed Media