Dowladda Soomaaliya oo u digtay Ganacsatada macaashka ka raadisa xaaladaha adag.

Published: April 22, 2020

Eng. C/llaahi Cali Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed uga digay inay kordhiyaan qiimaha maciishadda dalka, xilli dhowaan dowladdu canshuur dhaaf sameysay.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraga ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Ganacsatada macaash ka dhex raadisa xaaladaha adag ee wadan ku jiro maadaama Ganacsatada loo sameeyey cashuur dhaaf 100% ah iyo weli ba badeecadaha qaar oo cashuurtii laga dhimay 50%.

Wasiir Cabdilaahi waxa uu sheegay in looga baahan yahay ganacsatada inay u naxariistaan shacabka isla-mar-ahaantaana ay maanta garab u noqdaan shacabkooda maadaama dalku uu ku jiro xaalado aad u adag oo uu sababay cudurka COVID-19.

Wasiirka ayaa ku booriyey inay maal-gashi ku sameeyaan wax-soo-saarka dalka sida Xoolaha, Beeraha, Kalluunka iyo waxyaabaha la hal-maala si loogga maarmo waxyaabaha dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *