Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay askar lagu eedeeyey fal kufsi ah.

Published: April 16, 2020

Wasaarada Gaashaan-dhigga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaantey wax laga xumaado in ciidamo ka tirsan Dawlada ay dhibaato u gaystaan dadka shacabka ah, War-saxafadeed kasoo baxay Wasaarada Gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaas dhacay ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ku hawlan-tahay.

WasaaradaGaashaan-dhigga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in danbiyada ciidamada lagu eedaynayo hadii ay dhacaan ay mutaysan-doonaan wixii uu sharciggu ka qabbo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *