Dowladda Soomaaliya oo xayiraad cusub ku soo roogtay Al-shabaab

Published: November 6, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay markii ugu horraysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo Al-shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in akoonada dowladdu ay xanibtay ay dhaqaale badan ugu dhex jireen kooxda Al-shabaab.

Wasiir Al-caddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Alshabaab.

Wasiirku wuxuu sheegay inay qaar kamid ah ganacsatada dalka ay qaateen go’aankii dowladda ee ahaa inay diidaan inay lacag siiyaan Alshabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u saameyn ugu yeelatay kooxda Alshabaab.

Ugu dambayn, wasiir Alcaddaala wuxuu farriin culus u diray cid kasta oo aan fulin awaamiirta dowladda kasoo baxay. Wuxuu caddeeyay in ciqaabaad adag lagu fulin doono cid kasta oo Alshabaab dhaqaale siiya ama xog u gudbiya.

Horseed Media