Dowladda Soomaaliya & Taliska cusub ee AFRICOM oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Published: August 29, 2022
Shares386

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & Ra’iisul wasaaraha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *