Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in hub casri ah iyo qalab la siinayo ciidanka uu tababarayo Turkiga

Published: January 6, 2018

Ciidanka kuliyadda Turkigu dhisay lagu tababarayo oo sugu jira labo qeyb oo kala ah saraakiil iyo saraakiil xigeen ayaa tababbarka kadib lagu wadaa in la siiyo hub cusub oo casri ah.

Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, wuxuuna wasiirku hadalkisa raaciyey in haduu uu dhammaado la siin doono hub iyo qalab casri ah oo ay kula dagaalamaaan kooxda Shabaab

Maxamed Cali Xagaa ayaa intaasi ku daray in ciidamado ay horey u tababarnaayeen,balse la siinayo tababar ka sii horumarsan kii horey ay u heysteen,wuxuuna xusay in qofkasta tababar ku qaato kuliyadaasi qalabkiisa loo dhameystiri doono.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynah Soomalaiya Mudane Maxamed Cabllaahi Farmaajo tababara ugu soo xirey magaalada Muqdisho qeybtii ugu horeysay oo ciidanka lagu tababaray xerada uu dhisay Turkiga.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *