Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Published: November 22, 2019

Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka DiyaaradahaADAN cabdule ee Magaaladan Muqdisho, Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirtay ayaa ka timid Dalka Talyaaniga waxaana loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Horay ayay dawlado kala duwan usoo gaarsiiyaan dalka deeqo ay kaga qaybqaadnayaan dhulka ay saameeyeen fatahaaduhu, Magaalooyin ay ku jirto waxaa ka socda qaybinta deeqo ay soo aruuriyeen dad soomaaliyeed, kuwa dawlada sii dhiibtay iyo kuwa deeqo caalami ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *