Dowladda UK Oo Garab Istaagtay Madaxbanaanida Dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 5, 2024

Dowladda Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay  in ay ixtiraam buuxa u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in ay dib u cusboonaysiiyeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

“ Ingiriisku waxa uu ka walaacsan yahay xiisadaha sii kordheysa ee Geeska Afrika, sidaa daraadeed, Waxa ay ku baaqeen in la is xakameeyo oo la wada hadlo,isla markaana si nabad ah lagu dhameeyo xiisadaha jira”ayuu yiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiis beenaad ay wada gaareen maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya, waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid halis ku ah deris wanaaga.

Isniintii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday waxa lagu tilmaamay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.

Horseed Media