DR Congo: Kooxda Mucaaradka M23 oo qabsaday magaalo muhiim ah

2 days ago

Mucaaradka M23 ayaa Sabtidii qabsaday magaalada muhiimka ah ee Masisi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Sabtidii la wareegay gacan ku haynta magaalo muhiim ah oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay tiro ilo-wareedyo ah sheegeen.

Dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso (M23), oo ah maleeshiyo ay taageerayaan dalka deriska la ah ee Rwanda iyo ciidankooda, ayaa qabsaday dhul ballaaran oo bariga DRC ah tan iyo 2021-kii, taasoo barakicisay kumanaan isla markaana sababtay dhibaato bini’aadantinimo.

Wadahadal ay Angola dhexdhexaadinaysay oo u dhexeeyay Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame ayaa si lama filaan ah loo baajiyay bartamihii bishii December, kaddib markii ay isku afgaran waayeen qodobbada heshiis nabadeed oo la soo jeediyay.

“Waa wax laga naxo in aan ogaano qabsashada xarunta Masisi,” Alexis Bahunga, ku xigeenka gobolka Waqooyiga Kivu, oo ah halka ay magaaladu ku taallo, ayaa u sheegay saxaafadda.

Masisi, oo ay ku nool yihiin ilaa 40,000, waa dhulka qaniga ku ah beeraha, xoolaha iyo macdanta.

Waxay u jirtaa qiyaastii 80 kiiloomitir waqooyiga caasimadda gobolka Kivu ee Goma.

Horseed Media