DR Congo: Madaxweyne Kabila oo loogu qaabay inuu xilka wareejiyo

Published: January 2, 2018

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Madaxweynaha dalka DR Congo Joseph Kabila inuu xilka wareejiyo.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka codsaday Madaxweyne Kabila inuu dhaqan geliyo heshiiskii December 2016, isla markaana xilka isaga dego.

Joseph Kabil ayaa xilka soo hayey tan iyo sanadkii 2001, wuxuuna wakhtigiisa ka dhamaanayey bishii December ee sanadkii 2016, waxaana u diidaya Dastuurka dalkaasi inuu mar 3aad xilka u tartamo.

Balse Kabila oo dhamaadkii sanadkii 2016 balan qaaday inuu qaban doono December 2017 doorashooyin xor ah, laakiin doorashadii bishii hore la qorsheeyey ayaa markale dib loogu dhigay illaa dhamaadka sanadkan (December 2018).

Axadii ayey markale bilowdeen banaanbaxyada looga soo horjeedo xukunka Kabila, waxaana mudaharaadyadii ugu danbeeyey ku dhintey in ka badan 7 qof.

Mucaaridka ayaa ku eedeyey Joseph Kabila inuu doonayo in doorashada uu dib u dhigo sanad-walba intuu ka bedalayo dastuurka si uu xukunka usii heysto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *