Dr Hodan Cismaan oo xil cusub loo magacaabey

Published: August 16, 2023
Shares36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xil cusub u magacaabey Dr Hodan Cismaan Cabdi oo horey u ahayd la taliye sare oo ka tirsan isla xafiiska raysalwasaaraha.

Xamza ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ( Human capital ) ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr Hodan Cismaan Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadib markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo raasumaalka dadnimo ee bulshada, taasi oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha.

Hodan Cusmaan ayaa horay uga tirsaneyd howlwadeenada xafiiska raiisul wasaaraha, waxayna sidoo kale aheyd la-taliyaha dhanka xiriirka caalamiga ah ee Xamza Cabdi Barre.

Horseed Media