Dr Maxamed Sh. Axmed oo ku soo baxay doorashada kursigii Fahad Yaasiin ee HOP086

Published: February 25, 2023

Dr Maxamed Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga HOP086 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, markii uu tanaasulay musharrax Cabdirisaaq Bukhaari Axmed.

Ergada doorashada oo ka koobneyd 98 ayaa si gacan taag ah u doortay Dr. Maxamed Sheekh Axmed, kadib tanaasulaadda musharraxii la tartamayay.

Kursigan ayaa ka mid ah kuraas uu doorashadiisa celiyay guddiga doorashada heer Federaal, kaas oo uu markii hore ku guuleystay Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA, ahaana la taliyihiin Amniga Qaranka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kursiga HOP086 uu ku soo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxaa baarlamaankii 10aad ku fadhiyay  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Horseed Media