Dubbe: “ Shirka madaxweynuhu ku baaqay wuxuu ka dhacayaa Afisyoone”

Published: March 20, 2021

Wasiirka Warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirka Farmaajo ku baaqay ee lagu dhamaystirayo arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka dhici doono xarunta Afisyooni ee ciidamada cirka Soomaaliya.

” Shirku wuxuu ka dhici doonaa xarunta Afisyoone oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Soomaaliya, waxaana hawshaa qaban-qaabadeeda iyo diyaarinteeda ku hawlan xafiiska raysalwasaaraha”

Wasiir Dubbe

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa golaha badbaado qaran ee ay ku dhawaaqeen madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, midowga musharaxiinta iyo guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin doorashada.

” Waxaa runtii aad uga xun nahay, iyadoo dalku doorasho aadayo in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan inay sameeyaan isbahaysiyo, isbahaysiyadaas oo ah doorasho la dirir, isbahaysiyada doorasho la dagaalanka ama doorasho diidka ahi, waxay nagu celinayaan jid qaldan iyo jid dib-u-dhac ”

Wasiir Dubbe

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhici doona 22-ka ilaa iyo 23-ka bishaan Maarso, waxaana lagu dhameystirayaa heshiiska guddiga garsamada ku gaareen Baydhabo iyo guud ahaan khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *