© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Dubbihii Madaxweyne Farmaajo la tegey Dhuusamareeb iyo finiinka duulaya! -FAALLO

Waxaa la galay maalintii shanaad ee Madaxda Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyada iyo madaxda Dowlad goboleedyadu leeyihiin shirar caalwaa iyo gacmo daalis ah, waxaana furitaanka shirka weyn ee Soomaali oo dhan indhaha ku hayaan caqabad ku noqdey in uu furmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo go’amaadiisu noqdeen kuwo isu bedbedalaan si degdeg ah.

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha in Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ay soo jeedisey in ay ku fashilmeen in ay doorasho qof iyo cod ah wakhtigeeda ku qabtaan, taas beddelkeedna sheegtey in ay u baahan tahay muddo sanad ka badan in ay hawshaas ku qaban karaan, Sidoo kale waxay Madaxweynaha u jeediyeen in Xukuumaddiisu isku raacdey in aan wax muddo kororsi ah la sameyn karin, weliba si cad Raysalwasaaruhu u sheegay in ay dalka u horseedeyso qalalaase siyaasadeed haddiiba la isku dayo muddo kororsi, sidaas darteed doorasho noockasta ay tahay la isla oggol yahay la qabto oo wakhtigeeda ku dhacda, sidoo kale waxay Madaxweynaha xusuusiyeen in isaguna sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo oo aan muddo kororsi la sameyn isaga oo ayidey go’aankii xukuumadda, iyaga oo dhan haddii ay yihiin Madaxdii Dowlad goboleedyada dalka ay wada qabaan in dalkaan afartii sanoba mar ay ka dhacdo doorasho ee loo baahan yahay ka hor inta aan shirku furmin in mar kale lawada qaato arrintaas ajandaha shirkana la galo iyada oo la isla oggol yahay xaqiiqada banaanka taal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirarka dhaadheer ee ay gelayaan noqdeen kuwo uu isu bedbedelo si la yaableh, waxaana uu caqabad ku noqdey in shirku furmo, maadaama ay xaqiiqo tahay nooca doorasho ee uu doonaayo wixii ka horeeyey aanu fulin in ay u baahan tahay wakhti dheeraad ah taas haddii la sameeyona dalku qalalaase siyaasadeed gelaayo sida Raysalwasaaruhu yiri.

Sida Shabakada Horseed Media horey u daabacdey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa magaalada Dhusuamareeb la tegey isaga oo uu garabka u saaran yahay Burris (Hammer), waxaana ugu weyneyd Istaraatiijiyaddiisa in aan shirka Dhuusamareeb aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo, shirku uu noqdo mid wakhtiga lagu dilo, ugu danbeyna loo ballamo shir kale, si Golaha Wakiiladu u fuliyaan qorshihiisa maadaama ay shirkan ka madax-banaan yihiin oo aysan qayb ka ahayn, waxaa muuqata in uu hadda shaqeynaayo burriskii Madaxweyne Farmaajo, haddii aan madaxda Dowlad goboleedyadu qaadan doorkooda kana maarmin shirarka gacma daaliska ah ee ay doonayaan in ay furaan albaab xiranoo furihiisana daaqada looga tuuray.

Haddaba nidaamka federaalka ah ayaa loo sameeyey waxa maanta socdo oo kale in aysan dhicin, waxa loo sameeyey in lagu ilaaliyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo kale, in aan hal shakhsi ku tagrifalin awoodda dalka, dastuurkana ku xadgudbin, si looga hortago damac kasta oo keli-talisnimo ku dhisan kana baxsan sharciga. Haddaba waxaa la is weydiinayaa waxa la gudboon Madaxda Dowlad goboleedyada ee ah dalka intiisa badan doorashada Federaalkana la doonayo in ay ka dhacdo, waxaa u furan haddii natiijo ka soo bixiweydo kulamada dhaadheer ee habeenkasta loo fadhiyo:

  • In ay oggolaadaan damaca waalan ee muddo korosiga, labada sanno ah, kana tanaasulaan nidaanka federaalka ah dalkuna noqdo mid Muqdisho keliya looga taliyo.
  • In ay qaataan go’aan geesinimo leh una diyaariyaan in dalka doorasho ka dhacdo kana horyimaadaan nidaamnkasta oo sharci darro ku dhisan iyo muddo kororsi.

Haddii kale waxay noqonayaan qofka ugu danbeeya ee mismaarka sanduukha meykda ku dhufta (the final nail in the coffin)

Next Scapegoat

Raysalwasaraha Xukuumadda Federaalka Xassan Cali Kheyre ayaan weli qaadan go’aan uu ku xaqiijinaayo khudbadiisi ahayd in dalku doorasho u diyaar garoobo, muddo kororsina aysan jirin, waxaa la is weydiinayaa sida ay noqon doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed haddii shirka Dhuusamareeb uu burburo, Madaxweyne Farmaajo dib ugu laabto Muqdisho, Madaxda Dowlad goboleedyaduna aysan qaadan door ay ku midoobi karaan.

Kheyre waxaa la gudboon in uu ka soo baxo daaha gadaashiisa, garab istaago soo jeedinta madaxda Dowlad goboleedyada, isaga oo isticmaalaya sharciyadda uu haysto, taas waxay horseedeysa in uu badbaadiyo mustaqbalkiisa siyaasadeed laakiin haddii kale waxa uu noqonayaa Scapegoat, kaas oo lagu eedeeyo dhamaan khaladaadkii dhacay, haddii aysan shirkaan ka soo bixin dhabadii loo maraayey doorashada waxa raysalwasaare Kheyre noqonayaa siyaasiga ugu khasaarada badan.

Omar Mohamed
Horseed Media