Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 09 November 2024 la fariisiyey oo la dhaariyey xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland, kuwaas oo ku yimid nidaamkii doorashadii qof iyo cod.
Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa mar kale loo doortay Cabdiqaadir Geedi, halka guddoomiye kuxigeenku noqday Maxamed Cali Maxamed (Xamari) oo labaduba ka tirsan xisbiga Kaah kadib isbahaysi ay samaysteen afar xisbi oo kala ah Mideeye, Kaah, Shaqaalaha iyo Runcad, kuwaas oo haystay codadka aqlabiyada golaha deegaanka.
Munaasabada Dhaarinta iyo Fariisinta Xildhibaanada golaha degaanka degmada Garoowe waxaa kasoo qayb galay Qaar kamid ah Golaha wasiiradda, Baarlamaanka , Gudigga Doorashooyinka PEC, 33 Xildhibaan ee Golaha deegaanka, Masuuliyinta Xisbiyada Siyaasada Puntland iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.
Horseed Media