Duqa Gaalkacayo dhanka Galmudug oo ka horyimid xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf.

Published: January 15, 2020

Yuusuf Xirsi Barre  Duqa Degmada Gaalkacayo ee dhanka Galmudug ayaa waxkama jiraan ku tilmaamey xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, Waxa uu sheegay Xirsi in madaxweyne Xaaf aanu xilligan xilna cid u magacaabi karin, cid kalena aanu ka qaadi karin, maadaama Galmudug ay hadda ku jirto xaalad kala guur ah.

Yuusuf Xirsi waxa uu sheegay in duqa Degmada Gaalkacayo uu isaggu hadda ku hayo sifo sharci ah wixii kasoo harana ay tahay hadal shaqsi uu iska yiri, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhawaan ayay ahyd markii Xaaf uu xilka Ka qaaday Yuusuf Xirsi Barre  Duqa Degmada Gaalkacayo ee dhanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *