Duqa Laascaanood ugu magacownaa Somaliland oo la saftay dadkiisa ayaa sheegay in ay dagaalamayaan

Published: February 8, 2023

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa ku dhawaaqay in magaalada duqeyn aan kala sooc-laheyn ay ku hayaan ciidanka Somaliland.

Masuuliyiintan Somaliland u qaabilsanaa Laascaanood ayaa sheegtay ciidmada Somaliland ay beegsanayaan dhammaan goobaha ka caagan dagaalka, sida, Istitaalada, Korontada, Biyaha iyo Masaajidada.

Sidoo kale waxay sheegeen in dagaalka u dhaxeeya ciidamo soo duulay iyo dadka deegaanka, iyagoo sheegay in dagaalka u dhaxeeyo qabiilada Dhulbahante iyo Isaaq.

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland ugu magacownaa ayaa sheegay in ay dagaalamayaan, oo ay difaacayaan dadkooda, Madaxweyne Biixi ayuu ugu yeeray in uu ciidamadiisa kala baxo SSC.

Tani ayaa wajigabax ku ah wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo saacad kahor sheegay in ay Argagixiso kula dagaalamayaan Lascaanood.

Hosreed Media