Duqa Magaalada Muqdisho oo sheegey in tirada dadka ku dhimanaya Muqdisho kor u kacdey

Published: May 2, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay in tirada dadka sida caadiga ah ugu dhimanaya magaalada Muqdisho ay kor u kacdey.

Cumar Filish ayaa sheegay in Raysalwasaaraha jamhuuriyaddu uu dalbadey in la diiwaan geliyo dadka dhimanaya si loo ogaado in xaaladdu aysan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka ay ka diiwaan geliyaan qubuuraha, maadaama dadka intiisa badan ay ku dhimanayaan guryahooda, taas oo ay bilaabeen 19 bishii Abril, tan iyo mudadaas ayuu sheegay in ay diiwaan geliyeen dad ku dhaw 500 oo qof.

Waxaa la aaminsan yahay dad badan in ay Muqdisho ugu dhinteen cudurka COVID-19 kuwaas oo aan wax baaritaan ah lagu sameyn.

Diiwaangelinta cusub ee ka dhacaysa isla qubuuraha ayeysan jirin cabir kale ama tiro kale oo loo barbar dhigi karo maadaama aan horey diiwaan gelin loo sameyn jirin.

Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaa in ay ku nool yihiin dad ku dhaw 2 milyan oo qof, waxaana hubaal ah in 2 milyan oo qof meel ay ku nooshahay dhimashada caadiga ah aysan ahayn mid yar.

Wasiirka Wafaafinta xukuumadda federaalka ayaa sheegay in qofkasta oo hadda kadib dhinta uu iyaga u xisaabsan yahay in uu u geeriyoodey COVID-19, dalalka caalamka ayaa ku dedaala inayba yareeyaan tirada dadka uga dhimanaya COVID-19 si aan argagax u dhicin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *