Duqa Muqdisho iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta caasimadda

Published: March 15, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. FEI Shengchao.

Duqa magaalada Muqdisho iyo Safiirka Shiinaha ayaa wax yaabihii ay kawada hadleyn waxaa kamid ahaa.

1-Xoojinta iskaashiga horumarineed ee ka dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Safaarada.

2- Fulinta mashaariic wax ku’ool ah, sida dhismaha waddooyinka, xarumaha danta guud, horumarinta arrimaha la xariira Waxbarashada iyo Caafimaadka.

3- Dib usoo nooleynta xarumaha farsamada gacanta iyo shaqa abuurka bulshada.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. FEI Shengchao ayaa ballan qaaday in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab istaagi doonaan horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyay dowlada Shiinaha iyo shacab keeda doorka muuqda oo ay ka geesteen garab istaaga umada Soomaaliyeed iyo dhismaha wadanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *