Duqa Muqdisho oo guddoomiyay Shir ay kasoo qeyb galeen hey’adaha Maxaliga

Published: December 26, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray Shir balaaran oo ay kasoo qeyb galeen hey’adaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee adeegyada Caafimaadka la xariira ka bixiya Caasimadda.

Shirkani oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay wax qabadka Waaxda agaasinka Caafimaadka tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir lasoo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka la xariira.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *