Duqa Muqdisho oo Raaligelin Ka Bixiyey Jirdilkii Loo Geystay Xulka K/Galbeed

Published: January 13, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Salmaan Cali, Maamulka, Macalimiinta iyo Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed oo shalay dhibaato kala kulmay dhalinyaro dhagxaan ku weeraray.

Duqa Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah Ciyaartoyda Xulka Koonfur Galbeed, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ka baxsan Anshaxa Cayaaraha, asigoona xusay in wixii hada ka danbeeya aan la aqbali doonin in uu dhaco fal nuucaan oo kale ah, laamaha amniga ay u diyaarsan yihiin sugida Amniga Cayaartoyda iyo muwaadiniinta ka qeybgalaya Cayaaraha.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiino iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Horseed Media