Duqayno Cirka ah oo Lagu Dilay Xubno Ashabaab ah

Published: April 7, 2020

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in duqaymo cirka ah oo ka fuliyeen koonfurta Somaliya ay ku dileem saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay Talisku waxaa lagu sheegay in duqeyn cusub oo 6-dii April laga fuliyey magaalada Jilib lagu sheegay in lagu dilay shan ka mid ah ururka Al-Shabaab.

Col. Christopher Karns oo ah agaasimaha xiriirka dadweynaha ee Africom ayaa sheegay in duqayntan ay ku caawinayeen saaxiibada Maraykanka ee Bariga afrika, islamarkaana ay ku yaraynayeen halist dhab ah oo Somaliya iyo Maraykanka uga imaanaysa ururka Alshabaab

Taliska africom wuxuu sheegay inay ka warhayaan warbixino sheegaya inay duqayntii ka dhacday jilib ay dad shacab ah ay wax ku noqdeen.

Dhinaca kale, Taliska Africom waxay sheegeen in duqayn 2dii bishan April ay ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay sarkaal lagu magacaabo Yuusuf Jiis oo ka tirsan ururka Alshabaab.

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *