Duqeyn Cirka oo lagu Dilay xubno ka mid ah Al-shabaab

Published: March 10, 2020

Taliska Mareynkanka ee Qaaradda Afrika ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ay ka fuliyeen deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Galbeed Soomaaliya

Qoraalka ka soo baxay AFRIRCOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalkaasi ayaa lagu xusay in duqeyntaan cusub lagu khaarajiyey illaa afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,waqxaana warku intaa ku daray in aysan jirin khasaare duqeyntaasi k Soo gaaray dadka rayidka ah.

“Mareykanka waxay si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxda amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, waxaa naga go’an horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna ka hadashay duqeyntaasi, waxaana ay sheegtay inuu howlgalkaasi ay la socotay, una dhacay sidii loo qorsheeyey.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee Africom waxay dadaal dheeri ah u galeen sidii looga hortegi lahaa dhibaatada dadka rayidka ah ay ku hayaan Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *