Duqeyn mar kale ka dhacdey Shabeelada Hoose oo lagu diley koox al-Shabaab ka tirsan.

Published: August 18, 2023
Shares16

Deegaanka Cali Fatuurad oo qiyaastii 35km u jirta degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa habeenkii xalay ee jimacada duqeyn ay ka geysteen ciidamo lagu sheegay in ay Soomaaliya saaxiib la yihiin, sida aan ka soo xiganey warbaahinta SNTV ee ku hadasha afka dowaldda federaalka.

Labada dal ee duqeynta la beegsada al-Shabaab ayaa kala ahaa Maraykanka iyo Turkiga, dowladda Turkigu waxay horey u sheegtey in ay joojisey weeraradii cirka ee ay Soomaaliya ka fulin jirtey.

Sida ay sheegtey warbaahinta dowladda federaalka, hawlgalka ayaa dhacay wax yar ka hor salaadii subax ee maanta oo jicme ah, waxaana lagu beegsadey laba guri oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Malayshiyaadka al-Shabaab. Warbaahinta Dowaldda ayaa intaas ku dartey in guryaha lagu diyaarinaayey waxybaaha qarxa ama bomka wasakheysan ee guryaha lagu sameeyo.

Qiyaastii 20 al-Shabaab ah ayaa hawlgalkaas lagu diley sida ay warbaahinta dowladdu ka soo xigatey ilo milateri oo hawlgalka ku dhaw.

Ciidamada Maraykanka ayaa kor u qaadey weerarada diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya, waxaana inta badan ka hadasha warbaahinta dowladda oo ku tilmaanta weeraro ay fuliyeen dalal aan saaxiib nahay, goobaha weerarada laga fuliyey waxaa ka mid ah gobolada Baay, Galguduud, Shabeelada Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Horseed Media