Duqii Boosaaso Oo Is-casilay Kadib Shaqo Joojintii Lagu Sameeyey – VIDEO

Published: March 10, 2021

Guddoomiyihii ahna duqii magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu iska casilay xilkiisa iyo waliba xubinimadii golaha deegaanka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shaqada ka joojiyey duqa Boosaaso ayaa sheegay in loo haysto arrimo la xiriira ku dhaqan la’aanta maaraynta nidaamka maaliyaddeed ee degmada Bosaso, baaritaanna lagu samaynayo

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay baarista loo diray Hantidhowrka guud ee Puntland, isla markaana ay horey baaritaan ugu sameeyeen.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib dhacdadii lagu weeraray xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, taasi loo badanayo inuu madaxweyne Deni kaga jawaabayo dhacdadaasi.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *