Duulaanka dhulka ee Gaza ayaa la filayaa dhawaan iyadoo Netanyahu uu sheegay inay bilaabayaan wajiga 2aad

Published: October 14, 2023

Israa’iil ayaa ku amartay dhammaan 1.1 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool waqooyiga Qaza inay isaga baxaan, oo ay ku jiraan kuwa isbitaallada ku jira. Tiradaas ayaa ah ku dhawaad kala bar tirada dadweynaha ku nool Marinka Qasa.

Qaramada Midoobay waxay ka digaysaa in qorshaha daadgureynta Israa’iil uu yeelan doono “cawaaqib bini’aadantinimo oo ba’an”

Ugu yaraan 2,215 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 724 carruur ah ayaa lagu dilay, kumanaan kalena waa lagu dhaawacay weerarrada cirka ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza.

Cisbitaalada Gaza ayaa lagu soo waramayaa inay buux dhaafiyeen – waxayna sheegeen in 60% dadka dhaawaca ah ay yihiin haween iyo caruur.

Human Rights Watch ayaa ku eedaysay Israa’iil in ay u adeegsatay rasaasta fosfooraska cad hawlgalkeeda milatari ee Gaza iyo Lubnaan, hubkaasi oo ka mamnuuc ah in loo adeegsado magaalooyinka ay dadka degen yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo maanta booqday ciidamadiisa ku sugan xaduuda Gaza, ayaa ku goodiyey in tani ay tahay ‘bilaw kaliya’.

Dhinaca kale, laba qof oo rayid ah oo Lubnaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay deegaanka Chebaa ee koonfurta Lubnaan, duqa tuuladaas, Mohammad Harb, ayaa Sabtidii u sheegay warbaahinta.

Rasaasta ay isweydaarsanayaan Xisbullah iyo ciidamada Israa’iil ayaa dhowr maalmood ka socday xaduuda Lubnaan la wadaagto dhulka ay Israel heysato.

Horseed Media