Duulimaadyadii Caalamiga ee Madaarka Mudisho oo Joogsaday

Published: March 19, 2020

Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqan gelay go’aankii dowladda federaalka ku joojisay duulimaadyada Caalamiga ah ee imaanaya, kana dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Dowladda ayaa muddo 15 maalmood ah hakisay duulimaadyada caalamiga si looga hortego caabuqa cudurka Coronavirus ee ku faafaya Caalamka.

Ma jirin saaka duulimaad caalami ah oo yimid Muqdisho, iyadoo maalin kasta ay muqdisho imaan jireen diyaarado caalami ah oo ay ka mid tahay diyaarada Ethiopian Airways, Turkish Airways iyo diyaarado kale.

Toddobaadkan dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqay in Somaliya laga helay kiiskii u horreeyay ee cudurka Coronavirus, iyadoo kiisas kale oo cudurkana laga helay wadamada Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti oo deris la aha Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *