Eng Saalixi Oo Ku Jirey Guddiga Dacwada Badda Soomaaliya Ayaa Geeriyooday

Published: September 2, 2021

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday ENG, Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Eng. Saalixi wuxuu ahaa udub dhexaadka guddiga difaaca badda Soomaaliya ee hortaallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Hague, waxa uu ahaa aqoon yahan iyo khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha khariidooyinka, cabbirrada dhulka iyo culuumta badaha (Geodesy), wuxuuna ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf.

Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo R/kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo kamid ahaa ergada Soomaaliya ee dacwada badda ayaa ka tacisiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa “laf-dhabar dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya”, isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar la’aan ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *