Erdogan iyo Xasan Shiikh oo Khadka Taleefanka Ku Wada Xiriiray

Published: June 1, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Horseed Media