Erdogan oo Netanyahu la barbardhigay Hitler

Published: December 28, 2023

Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xasuusiyay hogaamiyaha Israaiil in 80 maalmood ay ka soo wareegatay markii ay bilowdeen weerarada Israa’iil ee Qasa, wuxuuna yiri “Dhammaan qiyamka bini’aadminimada waxaa lagu toogtay indhahayaga hortooda muddo 80 maalmood ah.”

Erdogan oo ka hadlayey sannad-guurada 100-aad ee TÜBİTAK iyo TÜBA ee Abaalmarinta seyniska, ayaa yidhi, “Waxaan daawannay dhacdadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogtahay, inay si yaab leh uga hadli jireen Hitler. “Sidu kaga duwan yahay Hitler?” ayuu weydiiyey, isaga oo sii watay sidatan.

“Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficillada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Ninkani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhammaan taageerada nooc kasta ah waxay ka timaadaa Maraykanka, dhammaan taageeradaas, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. “Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Muslimiinta ah.”

Horseed Media