Erdogan oo sheegay in qiyamkii Qaramada Midoobay iyo kii reer galbeedka ku dhimanayaan Gaza

Published: September 24, 2024

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in qiyamkii Qaramada Midoobay iyo kii dunida reer galbeedku ay ku dhimanayaan Gaza, iyadoo colaaddu ay halkaas ka socoto, ayuu ku baaqay “isbahaysi bani’aadamnimo” si loo qabto Israa’iil.

Khudbad uu ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayuu Erdogan ku celiyay dhaleeceyn kulul oo uu u jeediyay Israa’iil oo ku aaddan ololaha millatari ee ay ka waddo marinka Qaza iyo dalalka reer galbeedka ee taageeradooda u fidiyay Israa’iil.

“Iyada oo ay la socdaan carruurta Gaza, nidaamka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dhimanaya, runta ayaa dhimanaysa, qiyamka ay reer galbeedku sheeganayaan inay iska difaacaan ayaa dhimanaya, rajada bani’aadamka ee ku noolaanshaha adduun cadaalad ah ayaa mid mid u dhimanaya,” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa cambaareeyay ololaha militari ee Israel ay ka wado Marinka Gaza, kaasoo ku yimid aargudasho ay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ku qaaday xuduuda ay wadaagaan 7-dii Oct. ee sanadkii hore.

Turkiga ayaa joojiyay dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil, waxaana uu dalbaday in uu ku biiro dadaalada dacwad xasuuq ah oo ka dhan ah Israa’iil oo ka socota Maxkamadda Adduunka.

Horseed Media