Erdogan oo u hanjabay Giriiga

Published: September 6, 2020

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa sare usii qaaday hanjabaada uu u dirayo dalka Giriiga iyo Jasiirada Qubrus oo ay isku heystaan xaduuda badda ee Bariga Badda dhexe (Mediterranean).

Giriiga iyo Jasiirada Qubrus ayaa ku eedeeyey Turkiga inuu xuduudooda soo galay oo uu xiligan baaritaanka Gaaska iyo Batroolka ka wado qeyb kamid ah biyahooda badda Mediterranean.

Erdogan ayaa Sabtidii shalay mar uu ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday magaalada Istanbuul khudbad uu soo jeediyey uga hadlay xiisadan, ayaa sheegay in Giriiga laga doonayo inay miiska wadahadalka yimaadaan ama ay u diyaar garoobaan inay la kulmaan Xanuun aysan horey u arrag, waa siduu hadalka u dhigayee.

…Waxay fahmi doonaan in Turkiga leeyahay awood Siyaasadeed, Dhaqaale iyo militari oo uu ku burburiyo waraaqaha beenta ah ee soo qorteen…” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey xaduuda ay sheegteen Giriiga iyo Jasiirada Qubrus.

Dhinacyadan oo ka wada tirsan Isbaheysiga NATO ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay isu goodinayey waxayna labada dhinac baddaasi kusoo daabuleen maraakiibta dagaalka.

Isbaheysiga NATO ayaa sheegay in todobaadkan ay Turkida iyo Giriiga madaxdooda aqbaleen in la bilaabo wadahadalka ugu horeeyey oo farsamo si looga hortago in xiisadan isu bedasho dagaal dhexmara dalalkaasi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *