Ergadii Dhexdhexaadinta Jubaland iyo Federaalka oo la kulmey Raysalwasaare Xamse

12 November, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gelinkii danbe ee Salaasada ku…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gelinkii danbe ee Salaasada ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya, kuwaas oo dhex dhexaadin ka wadey Dowladda Federaalka Iyo maamulka Jubaland.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Xildhibaan hore Abdirahman Ali Hassan Colow, oo dhamaantood ka soo jeeda beesha rayslwasaaraha iyo Axmed Madoobe.

Wefdiga ayaa ku horeeyey magaalada Kismaayo waxaana ay la kumeen Axmed Madoobe oo ku xirey wada hadal uu la galo Dowaldda federaalka ah in ay ka noqoto warkii ay ka soo saartey doorashda Jubaland, isla markaana uu qabsado doorashadiisa, waana midda ay la yimaadeen Muqdisho taas oo Raysalwasaare Xamse culeyska aan ka qaadi karin.

War ka soo baxay Xafiiska raysalwasaare Xamse oo wefdigan ku saabsanaa ayaa ahaa mid ka tarjumeyn arrimaha wefigan u socdeen, waxaana uu sheegtey Xamse in Dhamabaal looga sidey Madaxweynaha Kenya ee William Ruto, waxaa xusid mudan wefdigan wax xil ah kama hayaan dowladda Kenya.

Horseed Media