Ergayga arrimaha bini’aadannimada oo war ka soo saaray abaarta dalka

Published: May 26, 2022

Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka abaaraha ayaa soo saaray warbixinta guud ee waxyeellada abaaraha iyo tirada dadka la saadaaliyay inay saameyn ku yeelato.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in abaartu ay saameysay 6.9 milyan oo qof, isla markaana lagana cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto 8 milyan oo u dhiganta 50% tirada guud ee dadka ku nool dalka.

66 degmo ayay warbixintu sheegtay in abaartu ay ba’an u saameysay.

Shalay ayay aheyd markii Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu la kulmay guddiga gurmadka abaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *