Ergayga Qarmada Midoobey ee Soomaaliya oo ku baaqey in la ilaaliyo xorriyada saxaafadda

Published: May 3, 2020

Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Adduunka, oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 03 May ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku baaqey in suxufiyiinta Soomaaliyeed awood u yeeshaan in ay shaqadooda si xor ah u gutaan.

“Saxaafaddu door muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed, ilaa u hadalka iyo in cod la siiyo kuwa nugul iyo kuwa la hayb sooco. Waxay u baahan yihiin inay awoodaan inay howlahooda muhimka ah gutaan si ka fog rabshado, caddibaad, xarig, cabsi gelin iyo faafreebka, ”ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

“Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” 

Maalinta saxaafadda caalamka waxay u taagan tahay difaaca madaxbanaanida warbaahinta, waxaana s anadkasta la xusaa 03 May.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *