Ergeyga Arimaha Bini’aadannimada ee QM, Martin Griffiths oo gaaray Suudaan

Published: May 3, 2023
Shares14

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths ayaa gaaray caasimada Dalka Suudaan ee Khartoum.

“Waxaan hadda imid Port Sudan si aan u xaqiijiyo go’aanka Qaramada Midoobay ee dadka Suudaan,” ayuu yiri Griffiths.

Colaadaha ka holcaya wadankaan ayaa keenay in ay xuduudaha ay ka tilaabaan dad lagu qiyaasayo 800 kun oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in Masiibo bini’aadannimo ay ka dhalato rayidka barakacaya ee uu gabaabsiga ku yahay Adeegyada aas-aasiga ah.

Horseed Media