Ergeyga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Published: January 18, 2018

Micheal Keating Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb , halkaasoo lagu wado in ay uga qeyb galayaan xafladda dhammeystirka Heshiiska Ahlu-SuNna iyo Galmudug.

Wafdiga Micheal Keating uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno waxaana garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Galmudug .

Xafladda ayaa waxa ay dhabaha u xaari doontaa, sidii Galmudug ay u saldhigan lahayd magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugdida ammaanka guud ee magaalada.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *