Eritrea oo CIA ku eedeysay afgambi dhicisoobay

Published: November 2, 2019
Madaxwayne Isaias Afwerki ha

War-murtiyeed ka soo baxay xukumadda Eritrea ayaa lagu sheegay in Hay’addaha Ammaanka Mareykanka ay maleegeen afgambigi Militari  ee lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

Eritrea waxa ay soo bandhigtay xogo sir ah oo laga helay CIA Mareykanka iyo laanta sirdoonka Yahuuda oo Afgambigaasi la qorsheeyay in ay gacan weyn ka geystaan si xukunka looga tuuro hoggaamiyaha Eritrea.

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay iney heyso caddeymo ku filan oo muujinaya in CIA ay qorsheysay dibad-baxyo la mid ah kuwii ka dhacay Dunida Carabta.

Arrintan ayaa waxaa la leeyahay waxaa lagu go’aamiyey kulan qarsoodi ah oo CIA ku yeelatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Eritrea waxaa ay sheegtay in ujeedka CIA ahaa in xukuumadda dalkaasi loo tuuro si la mid ah tii lagu riday madaxweynihii Libya Mucamar Al-qadaafi.

Waxaa la filayaa in Eritrea ay soo saaray warqado kashifaya sida Mareykanka iyo Israel ugu lug lahaayeen afgambi la doonayey in laga rido Asmara.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ha jah wareegin dadka adigoo soo sheegaya warbixin qaldan. Erayada madaxweynaha oo dhami waa wax aan waxtar lahayn.
    Runta waa america oo ay weheliso saudi-arabia kirada dekada usb 10 sano.