Ethiopia; Abiy Ahmed Oo faragelin ku eedeeyay Wadamo shisheeye

Published: May 17, 2021

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in wadamo shisheeye ay faragelin ku hayaan arimaha gudaha Ethiopia iyagoo ka faa’iideysanaya dib u dhaca ku yimid doorashada guud sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Ethiopia ee ENA.

Abiy ayaa sheegay in marnaba aanu ogolaan doonin in ajandayaal guracan loo isticmaalo isbedelada doorashada iyo dib u dhaceeda, isagoona uga digay ajaanibta in ay faraha kala baxaan faragelin uu sheegay in ay ku hayaan arrimaha gudaha dalkiisa.

Dalalka uu fara gelinta ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu xusay in ay qeyb ka yihiin kuwo ugu dhaqaalaha roon caalamka iyo sidoo kale Hay’ado qorshohooduna yahay in ay u yeeriyaan dadka Ethiopia go’aanadooda masiiriga ah.

Hadalka kasoo yeeray Abiy Ahmed ayaa imaanaya xili Gudiga doorashada dalka ethiopia uu shaaciyay in uu dib u dhigay Doorashooyinkii guud ee la qorsheynayay in ay dhacaan horaanta bisha soo socota ee June.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. WAAN KU FARAXSANAHAY IN ETHIOPIA MAANTA LEEDAHAY FARAGELINTA NAGADAAYA.

    WAXAAN U HAYSTAY SOMALIA OO DHULKA TAALA IN LA ISKA FUULO KALI AH